Weriyayaasha idaacadda ciidamada oo facebook soo dhigay arrin dhex-martay ayaga iyo Indha-Qarshe

Muqdisho (Caasimada Online) – Weriyayaasha ka shaqeeya idaacadda ciidamada qaranka Soomaaliya (SNA Radio) ayaa bogga facebook ee idaacadda soo dhigay dhacdo maanta dhex-martay ayaga iyo taliyaha ciidamada xoogga Jeneral Indha-Qarshe. Hoos ka aqriso qoraalka weriyayaasha.

Dhacdo Cajiib ah: Gen. Indho-qarshe oo balan uga baxay Shaqaallaha Idaacadda Ciidamada.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Shaqaallaha Idaacadda codka Ciidamada SNA Radio ayaa u sheegay war lama filaan iyo niyad jab ku noqday shaqaallaha Idaacadda.

Shaqaallaha SNA Radio oo muddooyinkii dambe ka cabanayey mushaar la’aan, amni darro, maamul xummo iyo culeyso kale ayaa taliyaha CXDS Gen Indha-Qarshe ugu tagay in arrimahaasi ay la wadaagaan, si uu wax uga qabto, maadaama idaacadda si toos ah ay u hoos tagto ciidanka xoogga.

Dhowr Qof ayaa u hadlay shaqaallaha idaacadda si Taliyaha ay u siiyaan faahfaahin dhameystiran oo ku saabsan Cabashada iyo culeysyada kale ee soo wajahay.

Markii Taliye Indho-qarshe si waafi ah shaqaallaha SNA Radio ay ugu faah-faahiyeen cabashooda ayaa waxuu ku jawaabay Erayo ay kamid ahaayeen.

“Dhaqaallo ma idin heyno, haddi amni darro ay idin soo wajahday waxba kama qaban karno ee Faataxo Akhrista” Gen Indha-qarahe ayaa siddaasi ku yiri Shaaqaallaha Idaacadda Codka Ciidanka.

Gen. Indho-qarshe ayaa dhowr jeer oo hore shaqaallaha Idaacadda Codka Ciidamada u ballan qaaday in Mushaar fiican uu u qori doono, Amnigooda Taliska uu ka heyn doono, idaacaddana horumarin iyo qalabeyn lagu sameyn doono, taasi oo noqotay ballan qaad been ah oo aan waxba ka jirin.

Share la wadaag asxaabtaada.
Xigasho:- SNA RADIO