Weriye Aadan Oogle oo toogasho lagu dhaawacay

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka aanu ka helayno magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa waxay sheegayaan in magaaladaasi lagu toogtay xalay Makhribkii Wariye Aadan Jaamac Oogle, oo ka tirsanaa Warbaahinta gobolka Sool, kaasi oo dhaawac uu soo gaaray.

Toogashada wariye Oogle ayaa timid kadib markii ay murmeen ninka toogtay, oo aan la ogeyn waxa uu ku saleysnaa khilaafka kala dhaxeeyay ninkaasi ku hubeysnaa bistoolada.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Wariye Oogle ayaa Ninkaasi hubeysnaa uu ku jiidey laba xabo oo rasaas ah, kuwaasi oo kaga kala dhacay garabka bidix iyo gacanta.

Inkasta oo aysan cadeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa toogasahada wariyaha ayaa haddana dad goobjoog ahaa waxa ay Caasimada Online u sheegen in Ninka toogtay Wariyaha uu wax hore ka tirsaneyay.

Ciidamada Booliska oo isla markiiba soo gaaray goobta toogashada, ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan Ninkii toogtay wariyaha oo ay u suuroobi weyday inuu ka baxsado goobtii uu ku toogtay Aadan Oogle.

Wariye Oogle ayaa xaaladiisa caafimad lagula tacaalaya Isbitaalka Gargaar ee magaalada Laascaanood, iyada oo xaaladiisa caafimaadna u muuqato mid soo kabaneysa.