Weyne Rooney oo noqonaaya kabtan ku xigeenka xulka Ingiriiska (Aqriso)

Tababaraha Ingiriiska Roy Hodgson ayaa daaha ka qaaday in weeraryahanka Manchester United Weyne Rooney uu Kabtanimada Xulka England kala wareegi doono Steven Gerrard qadka dhexe ee Liverpool marka iska siibo kobihiisa uu ku ciyaaro kubada cagta heerka caalami.

Iyadoo uu Gerrard ganaax ku maqnaa, 26 jirkaan ayaa kabtan u ahaa xulka Hodgson markiisii ugu horeysay  wuxuuna ku hugaamiyey inay guul 5-0 ah ka gaaraan xulka San Marino isreeb-reebka koobka aduunka ee 2014ka. Wuxuuna Rooneyn ciyaartii Wembley dhaliyey laba gool.

Wuxuuna tababaraha xulka England maanka ku hayaa inuu Weyne u dhiibo kabtanimada marka uu Gerrard ka fariisto xulka, inkastoo uu xulka ku jiro qabiirka qadka dhexe ee Chelsea James Frank Lampard.

Mar la weydiiyey hadii uu Rooney noqonaayo kabtaka mustaqbalka England, Hodgson ayaa ku jawaabay: “Haa. Waa wax uu aad ugu fiican yahay waana wax uu doonayo inuu sameeyo. Wuxuu ugu ciyaaray xulka si aan la maleyn Karin waana wax noo fiican inaga.”