Wiil iyo Aabehii oo Somali ah oo laga ugaarsanayo Mareykanka + Sababta.

Hay’adda dambi baarista Mareykanka ee FBI, ayaa baadi goob ugu jirta aabe iyo wiilkiisa Soomaliyeed, oo ku eedeysay inay daroogo iyo khaat iibinayeen.

Waxa kale oo loo heystaa inay si sharci darro ah u kaashi jireen jeegagta, oo muddadii ay howshaas wadeen ay ku kacday  lacag 6 milyan oo dollar dhan.

Waxa ay goob ganacsi ay ku lahaayeen koonfurta magaalada Louisville ee gobolka Kentucky.

Cabdalla Xaji Sufi iyo wiilkiisa Maxamed Xaaji Suufi oo Somalia ka yimid, ayaa seegay ballantii ay maxkamadda ku lahaayeen bishii June.

Labadaas qof ayaan dhaaya la saarin tan iyo bartamihii May, waxaana FBI-du ay ku calaamadeysay inay yihiin “Baxsad”.

Wakiil ka tirsan FBI-da oo lagu magacaabo Andrew Philipps ayaa sheegay in daroogada ay ku iibin jireen dukaankooda Hana Store, halkaasi oo la rumeysan yahay in gacansigooda muddadii uu dukaanka furnaa uu ku kacay 6 milyan oo dollar.

Philipps ayaa sheegay inaysan wiilkaas iyo aabihiis Soomaaliga ah heysan wax shati ah oo u saamaxaya inay kaashaan jeegagta.

Si kastaba Cabdalla iyo Maxamed Xaaji Suufi, ayaan illaa iyo hadda meel lagu sheegin, hase yeeshee dad qoyskooda ku dhow ayaa u sheega booliiska inay bishii May u safreen dalka Canada, lamana oga haddii ay weli halkaas joogaan amay inay kaga sii gudbeen meelo kale.