Wiilka madaxweyne Xasan Sheekh oo loo haysto dil ka dhacay Istanbul (Daawo)

Istanbul (Caasimada Online) – Duqa magaalada Istanbul Ekrem İmamoğlu ayaa wacad ku maray tallaabo ka dhan ah wiilka madaxweynaha Soomaaliya oo lagu eedeeyey inuu dilay muwaadin Turkish ah, oo uu gaari ku dhuftay.

Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku lug lahaa shil 30-kii November ka dhacay degmada Fatih ee magaalada Istanbul, oo uu ku dhintay Yunus Emre Göçer oo ahaa 38 jir Turkish ah.

Yunus Emre Göçer, oo waday mooto ayaa xillii uu istaagayey waddada Kennedy Avenue, waxaa gadaal kaga dhacay baabuur uu waday Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud, baabuurkaas oo u diiwaan gashan safaaradad Soomaaliya.

Shilka ayaa dhaliyey in Yunus ay gaaraan dhaawacyo culus, kuwaas oo uu ugu dambeyn lix maalmood kadib ugu geeriyooday Isbitaalka İstanbul Teaching and Research Hospital.

Maxamed ayaa lasii daayey kadib markii booliska ay warbixin ka qoreen, taasi oo caro xooggan ka dhalisay Turkiga.

Duqa magaalada Istanbul ayaa hadda wacad ku maraya in kiiskan aanu ka hari doonin.

“Wiil uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa baabuur ku dhuftay Yunus Emre Göcer oo mooto waday, taasi oo keentay inuu geeriyoodo, waxaana lasii daayey. Allah ha u naxariisto Göcer, waxaan uga tacsiyeynayaa qoyskii uu ka baxay,” ayuu yiri duqa magaalada Istabul.

“Kama hari doono arrintan. Waxaan raaci doonaa nidaamka sharciga ah, waxaana soo taaban doonaa illaa dhammaadka aniga oo ka wakiil ah tobanaan kun oo ka mid ah shaqaalaha mootooyinka,” ayuu ku daray.

Horey, wasiirka cadaaladda Turkey Yılmaz Tunç ayaa sheegay in muuqaallo ay duubeen kaamirooyinka waddooyinka ay moojinayaan in Yunus gadaal looga dhacay isaga oo wata mootadiisa.

Wasiirka ayaa sheegay in qof walba uu sharciga u siman yahay, haddii fal dambiyeed dhacayna ay ka dhalan doonto cawaaqib xumo.

Safaaradda Soomaaliya ee Turkey ayaan weli ka hadlin arrintan.