29.9 C
Mogadishu
Thursday, November 13, 2025

Wiilka Sheekh Osama Bin Laden ee Hamza oo la dilay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington DC (Caasimada Online) – Wiilka Sheekh Osama Bin Laden ayaa la rumeysan yahay inuu dhintay, islamarkaana lagu dilay howl-gal uu Mareykanka taageerayey sida ay sheegayaan warbixinno cusub.

Saraakiil magacooda qariyey ayaa xaqiijiyey dilka la tuhunsan yahay ee Hamza bin Laden, oo la rumeysnaa inuu ku jiray da’diisii soddonaadka, sida uu markii ugu horreysay weriyey taleefishinka NBC News.

Wargeyska New York Times ayaa sidoo kale weriyey in Hamza lagu dilay howl-gal dhacay labadii sano e ee ugu dambeysay gudahood, kaasi oo Mareykanka uu si un ugu lug lahaa.

Si kastaba, saraakiil Mareykan ah ayaa u sheegay New York Times in dowladda aysan weli xaqiijin dhimashada Hamza.

Mareykanka ayaa horey hal milyan oo dollar ugu yaboohay akhbaar kasta oo hoggaamin karta qabashada ama dilka Hamza bin Laden.

Sida laga arkay warqado laga helay dhismihii lagu dilay Osama bin Laden, ee magaalada Abbottabad ee dalka Pakistan, Hamza, ayaa waxaa illaa iyo yaraaantiisa loo diyaarinayey inuu mar un hoggaanka Al-Qacida kala wareegay aabihiis.

VOA

- Advertisement -

Read more

Local News