Sawirro: Axmed Madoobe oo maanta soo saaray amar cusub oo la xiriira Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo kulan gaar ah la qaatay saraakiisha ciidamada maamulkaasi ayaa amray inay xoojiyaan amniga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in saraakiisha looga fadhiyo inay adkeeyaan nabad gelyada inta lagu guda jiro doorashada dowlad goboleedka Jubbaland.

Sidoo kale wuxuu ka dalbaday in ay soo gabagabeeyaan baaritaanadooda ku aadan weerarkii dhowaan ka dhacay hoteelka Cascasey iyo dilalkii ugu dambeeyey ee ka dhacay magaaladaasi.

Madaxweyne Axmed Axmed ayaa sidoo kale saraakiisha ciidamadiisa kula dar daarmay inay wada shaqeyn dhow la yeeshayaan shacabka qeybihiisa kala duwan.

Dhankooda saraakiisha ka qeyb galay shirka ayaa ballan qaaday in ay sii labo jibaari doonaan howlgalladooda, islamarkaana ay ka hortagi doonaan falalka liddiga ku ah nabad gelyada.

Dhowaan ayaa la filayaa in magaalada Kismaayo lagu qabto doorashada xildhibaanada baarlamaanka iyo mida madaxweynaha ee maamulka Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com