Wiilkii ku dhacay godka dahabka oo lasoo saaray

MILXO (Caasimada Online) – Wararka laga naga soo gaaraya gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta lagu guuleystay in maydkiisa la soo saaray wiil dhalinyaro ahaa oo uu ku dumay god Dahabka laga qodo oo ku yaallo Milxo.

Ninkan oo lagu magacaabi jiray Maxamed Siciid ayaa waxaa haatan la soo gabagabeeyey howlgalkii lagu soo bixinayey maydkiisa oo soo billowday saqdii dhexe ee Khamiista

Dadka deegaanka ayaa adeegsanayey qalabka ay heli karaan, waxaana saacado badan ku qaadatay qodida godkaasi ku dumay marxuumka.

Sidoo kale qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa waxa sheegeen in aanay jirin cid maamul ah oo gacan u fidisay intii ay guda jireen qodista godkaas oo ahaa mid aad u dheer.

Milxo oo ah deegaan hoostaga degmada Laasqoray ee gobolka Sanaaag ayaa halka ugu badan ee laga qodo macdanta noocyadeeda kala duwan, waxaana halkaasi ka howlgala shaqaale kala duwan oo soo saara dahabka iyo macdanta kale ee laga helo deegaankaas.

Dhacdadaan ma’ah tii ugu horreysay ee ka dhacday Milxo, waxaana xaaladda uga sii dartay godadka oo loo sameeyey si miliqsan, waxaana horey ugu dhintay shaqaale kale.