Wikileaks oo isku diray maamulka SOMALILAND

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo webseedka Wikileaks uu shaaciyay sir badan oo la xiriirta wada hadalo qarsoodi ah oo dhex maray DF Somalia iyo Maamulka Somaliland ayaa waxaa arrintaasi ka jawaabay Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar.

Maxamed Cabdilaahi, ayaa sheegay in ka shaqsi ahaantiisa uusan DF Somalia la galin heshiis dhigaaya in Maamulka Somaliland lagu biiriyo Somalia inteeda kale.

Waxa uu sheegay in xiliga la sheegay inuu dhacay heshiiska uu isaga ahaa Wasiirka arrimaha dibada waxa uuna beeniyay inuu saxiixay qoraal suuragalinaayo in Somaliland ay qaadatay fakirka ah inay la midowdo Somalia, islamarkaana Somaliland ay hoosgeyso DF Somalia.

Nuqul kamid ah jawaabtiisa ayaa waxaa kamid ahaa” Waxaan Cadaynayaa intii aan wasiirka ka ahaa xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo in aanuu jirin heshiis aan la galay Somalia iyo Puntland toona, wadahadalada aan ka qayb galaynay waxay ahayeen kuwii u dhexeeyay Somalia iyo Somaliland. waan maqlay warbixinada uu ninka la yiraahdo Xirsi wasiirka madaxtooyada warbaahinta ku faafiyay waa gar darro, khalad ah’’

Jawaabta Maxamed Cabdilaahi, ayaa timid kadib markii garabyada mucaaradka Somaliland ay aamineen qoraalka kusoo baxay webka Weakleaks oo inta badan ku baahay caalamka intiisa kale.

Arrintaani ayaa shaki cusub ku dhex abuurtay Maamulka Axmed Siilaanyo iyo dadka shacabka oo dhinac ah, waxaana isa soo taraayo wararka la xiriira heshiiska dhigaayo in Maamulka Somaliland ay la midoobeyso DF Somalia.

Dhinaca kale, Madaxtooyada Maamulka Somaliland ayaa waxaa ka dhacay kulamo loogu garqaadayo Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Cabdilaahi iyo Xirsi oo ah wasiirka madaxtooyada oo isagu lagu dhaliilaayo inuu faafiyay warkaasi lagu soo dabacay Weakleaks.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com