XOG: XASAN oo iibsaday guri jooga $4.5 Milyan

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar gaar ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu guri cusub ka iibsaday dalka Tansania.

Xogtu waxa ay sheegeysaa in gurigaasi uu ku dhow yahay guriga madaxweynaha dalkaas Jakaya Kikwete, waxaana la soo warinayaa inuu ku iibsaday lacag dhan 4.5 Milyan oo dollar.

Gurigan qasriga ah ayaa la sheegayaa in loo iibiyay marwadiisa Sahra Cumar, waxaana uu qeyb ka yahay guryo badan oo loo iibiyey xaasaska madaxweynaha. Labada Xaas ee madaxweynaha ayaa sidoo kale dhulal badan looga iibiyey Muqdisho.

Lacagta lagu iibiyey guriga ayaa qeyb ka ah lacag badan oo madaxweynaha uu ka isticmaalay qasnadda dowladda, balse aysan jirin cid kula xisaabtameysa.

Gurigan ayaa waxa uu noqonayaa Booskii afaraad oo muddo Sanad ah gudihiisa uu iibsado madaxweynaha, xili Shaqaalaha iyo Ciidamada DF Somalia ay la daala dhacayaan mushaar la’aan mareysa shan bilood.

Xasan Sheekh oo waqtigiis gebo gebo yahay, ayaa xiligaani u muuqanaayo inuu ka faa’iideysanaayo fursadaha horyaal, bacdamaa ay suuragal tahay inuu kusoo laaban waaayo xilka uu iminka u hayo Umadda Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com