XOG dheeri ah: Khasaaraha qaraxii MUQDISHO !!

Muqdisho (Caasimada Online) – Labo ruux ayaa ku geeriyootay, saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari waxyaabaha qarxa ay ku xirnaayeen uu ku qarxay meel ku dhaw goob basaska laga raaco Degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho.

Gaariga qarxay ayaa la sheegay inuu watay nin dhalinyaro ah oo Degmada Kaaraan laga garanaayay, waxaana soo gaaray ninkaasi dhalinyarada ah dhaawac halis ah.

Labada ruux ee geeriyootay mid ka mid ah waxa ay tahay haweenay halka ruuxa kalena uu yahay rag, waxa ay dadkaan maraayeen wadada dhinaceeda, xilliga Baabuurka uu qarxaayay.

Si rasmi ah looma oga ruuxaan la qarxiyay waxa uu ahaa, balse dadka deegaanka waxa ay leeyihiin ruux rayid waaye.

Inta badan qaraxyada gaadiidka lagu xiro ayaa waxaa loogu xiraa xubnaha Dowladda u shaqeeya oo lagu beegsadaa.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa beryahan sii xumaaday, xilli shalay Suuqa Bakaaraha lagu dilay ruux la shaqeynaayay ciidanka Canshuuraha u ruuriya suuqaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com