Xasan: Isma laheyn Guuleed baa guleysan doona

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay nasiibka Madaxweynaha Mamaulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Xassan waxa uu sheegay in shaqsi ahaantiisa uusan aheyn mid filaayay in Guuleed uu kusoo bixi doono doorashadii ka dhacday Cadaado, waxa uuna sheegay inuu Guuleed ahaa shaqsi nasiib badan.

Xassan Sheekh ayaa iska fogeeyay inuu taageeray C/kariin Guuleed waxa uuna carabka ku dhuftay in Gulleed ahaa gooni u goosat, taasina ay muujineyso inaan jirin cid taageertay.

Sidoo kale, Madaxweyne Xassan ayaa beeniyay in dhaqaale laga bixiyay qasnada DF Somalia lagu taageeray Gulleed, waxa uuna shaaciyay in xiligaani uu yahay shaqsi taageersan.

Dhanka kale, Musharaxiintii la tartameysay Gulleed ayaa sheegay in Gulleed lagu taageeray dhaqaalihii DF Somalia, Dowladuna ay ka hiilisay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com