Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Xafiiska Ra’isul wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha uu magacaabay Afhayeen cusub oo lagu bedeli doono Ridwaan Xaaji C/weli oo isagu xilkaasi iska casilay.
Afhayeenka Cusub ayaa waxaa loo magacaabay C/Salaam Axmed Caato oo kamid ahaa Weriyayaasha ka howlgali jiray warbaahinta Somalia, waxa uuna iminka noqon doono Afhayeenka Xukuumada Somalia.
C/Salaam Axmed Caato, ayaa waxaa xilkaasi la gaclooday Ra’isul wasaare Cumar, oo la sheegay inay ka dhexeysay aqoon hore.
Afhayeenkaani ayaa si gaar ah uga soo shaqeeyay Tv-ga Universal, waxa ayna digreetadiisa iminka taala Xafiiska Ra’isul wasaaraha sida ay xogtu ku heshay Caasimada Online.
Howlwadeenada Xafiiska Ra’isul wasaaraha ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda faafiyaan digreetada lagu magacaabay C/Salaam Axmed Caato.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]