“Anigu uma oomani inaan WADA-HADAL la galo CABDI WELI GAAS ee ha ogaado” Waxaa yiri…!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa hakat galay wada hadalkii u socday Maamulka Puntland iyo Gen. Muxudiin oo ahaa Taliye xigeenkii Ciidamada Booliska Puntland oo dhawaan ka gadooday Maamulka uu hogaanka u hayo C/weli Gaas.

Hakatka wada hadalka ayaa yimid kadib markii C/weli Gaas uu ka madax adeegay fulinta shuruudo uu soo jeediyay Gen. Muyaddiin, waxa ayna taasi soo dadajisay hakinta wada hadalka.

Generaal Muxudiin Axmed Awmuuse ayaa sheegay inuu hakaday wada hadalka waxa uuna sabab uga dhigay C/weli Gaas oo uu ku tilmaamay shaqsi meyl adag.

Furitaanka wada hadalka ayuu sheegay inuu imaankaro kaliya goortii Gaas uu u hogaansamo qancinta Ciidamada Maamulka hadii taasi la waayana uu Khilaafka bartiisa sii taagnaan doono.

Gaas ayuu sheegay in Ciidamada uu u kala qeybiyay laba garab garabka koowaad oo ah kuwo isaga ku qabiil ah oo uu siiyo Mushaar gaar ah, halka qeybta kalane aysan muddo Afar bil ah qaadan xuquuqdii ay ku lahaayen Maamulka.

Dhanka kale, Muxudiin ayaa sheegay in uu aqbalayo waa waanta ay wadaan wax garadka Puntland oo ugu tagay Tuulada Qarxis halkas oo ah fadhiga Ciidamada uu horkacayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com