DHAGEYSO: “VILLA SOMALIA oo aan wax laga beddelin, Soomaaliya xal ma lahan” Waxaa yiri…

Cadaado (Caasimada Online) – Siyaasiga Axmed Macalin Fiqi horayna ugu mid ahaa Musharaxiintii u tartameysay qabashada Xilka madaxtinimo ee Maamulka Galmudug ayaa sheegay in isbedel la sameeyo ay ku xiran tahay Madaxda dalka.

Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in loo baahan yahay in Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya ay ogolaadaan in la sameeyo isbedel isla markaana laga shaqeeyo hormarka Dalka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay isku tashadaan isla markaana ay ogaadaan Arrimaha dantooda.

Siyaasiga Axmed Macalin Fiqi ayaa ugu dambeyn sheegay in uu ku laaban doono Magaalada Cadaado isla markaana uu ka shaqeyn doono hormarka Shacabka Gobolada Dhexe.

Axmed macalin Fiqi ayaa horay u shaaciyay in uu ku qanacsan yahay doorashadii ka dhacday Magalaada Cadaado iyo hogaanka Cusub ee qabtay Maamulka Galmudug, waxa uuna hadalkaan ka sheegay ka dib kulan sagootin ah oo loogu sameeyay Magaalada Cadaado.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com