DFS iyo arrinta Badda: Ma Shimbiryahow heesa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Hadal af kala qaad ah ayaa Xukuumadda Federaalka kasoo hambariiray, waxayna sheegeen madaxda inay Dowladda Kenya ka caabin doonaan boobka ay la maagan yihiin qeybi ka mid ah xuduud-baddeedka Somalia.

Hadalkaasi aan nuxurka lahayn ayey uga dan leeyihiin inay Warbaahinta laliyeen, waxayna ka xishoodeen inay Dowladda Kenya si cad ugu muujiyaan bareerahooda ku aadan Muranka xuduud-badeedka.

Waa hubaal in aysan Xukuumadda ul ka keeni doonin boobkaasi, maadaama aysan lahayn awood rasmi ah oo ay isaga difaaci karaan murankaasi oo lagu garqaadi doono Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka ee ICJ.

Dood-celiska iminka loo xusul-duubayo ayaa waxay timid xilli ay xeero iyo fandhaal kalahoobteen, waxaana habboonayd inay sharciga soo taagaan Xukuumaddii KMG ee Heshiiska Isfahamka la saxiixatay Dowladda Kenya.

Xilligaasi waxa Ra’isul-wasaare ahaa Cumar C/rashiid, waxaana heshiiska saxiixay Wasiir C/shakuur C/raxmaan Warsame, waxaana loo baahan yahay inay Baarlamaanka hortagaan, si wax looga weydiiyo Heshiiska lagu hosaasiyey muranka xuduud-baddeedka.

Waa hubaal inay xog badan hayaan, loona bahaan yahay inay kashifaan, si aan loogu fashilmin Dacwadda lala hortagayo Maxkamadda ICJ ee uu Xarunteeda dhexe ku taallo magaalladda The Hague ee dalka Holland.

Waa hubaal in Garyaqaanadda ay Dowladda Federalka u idmatay dacwadda muranka badda danaynayaan inay si hoose u wareystaan Labadaasi Mas’uul, maadaama uusan kala caddayn nuxurka Heshiiskii Isfahamka.

Heshiiskaasi ayaa ahaa qalad weyn oo lagu xalaaleeyey boobkaasi.

Muranka badda waxaa kaloo wehliya muranka dhulka, iyadoo la og yahay inay Kenya xalaalaysatay dhul ballaran.

Boobka xeeladaysan ee Kenya ayaa waxaa laga dheehan karaa derbiga dheer ee ay ku seeranayso qeybo ka mid ah xuduudka Somalia.

Sarkaal ka tirsan Milliteriga ku sugan Gobalka Gedo ayaa horey uga shanqariyey boobkaasi, laakiinse Xukuumadda Federalka iyo Baarlamaanka ma jirto cid ku dhiiratay in laga hadlo arrinkaasi.

Xeelladaha Kenya ayaa waxay u muuqdaan kuwo doqon-ma-garato ah, mana muuqdaan dadaal ay Dowladda Somalia u galayso dhegeysiga Dacwadaasi oo la qaadi doono bisha March ee sannadka soo socda.

Markaynu isku soo duubno, waxaa khasab ah in qaab Waddaniyad leh loo wajaho sidii la isaga difaaci lahaa boobka Kenya, waana xilkasnimo darro haddii madaxa loo raariciyo Madaxda Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com