Dhageyso: Kooxda Ahlu-Sunna oo kasoo dagtay jaranjaradii ay saarneyd kuna dhowaaqday in…!!

Caabudwaaq (Caasimada Online) – Xasan Maxamuud Warsame “Gaboobe”, oo kamid ah madaxweyne ku xigeenada maamulka Ahlu sunna ee gobolada dhexe ayaa ka hadlay ujeedada wafdi uu isaga hogaaminayo u tageen magaalada Caabudwaaq ee  gobolka Galgaduud.

Kadib wareys uu siiyay Idaacada Risaala ayuu sheegay iney diyaar u yihiin wadahadal ay la galaan cid kasta  oo ka shaqeyneysa danaha shacabka ku dhaqan deegaanada maamulkooda uu ka taliyo, sida uu sheegay.

Xasan Maxamuud Gabobe, ayaa sheegay in wafdi uu isaga hogaaminayo magaalada Caabudwaaq u joogaan sidii looga shaqeyn lahaa danaha dadweynaha, sida uu sheegayna wuxuu  la kulmay shacabka degmada.

Maamulkooda ayuu sheegay inuu ku dhisan yahay rabitaanka shacabka gobolada dhexe ayna diyaar u yihiin iney la fariistaan qof walba oo danaha shacabka ka shaqeynaya.

Maamulka Galmudug ee lagu dhisay magaalada Cadaado ayaa sheegay iney wadahadal la gali doonaan maamulka Ahlus unna ee lagu dhisay magaalada Cadaado.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com