“DFS iyada ha ku ekaadaan guddiyada annagu mowqifkeenu waa kii aan horay u shaacinnay”

Muqdisho (Caasimada Online)-War qoraal ah oo kasoo baxay Maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in Maamulka uusan shaqo ku laheyn Gudiyada Xaduudaha iyo Doorashooyinka ee la meel mariyay.

Gudiyadaan oo ka kooban gudiga Xaduudaha iyo Gudiga Doorashada ayaa Puntland markii la magcaabay sheegtay inaan lagala tashan, waxaan qoraalka lagu yiri

”Puntland ayaa diiday Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka,ah, kasoo aan sharci ahayn islamarkaana ka hor imaanaya sida ku xusan Qodobka 111 ee Dastuurka ku meel gaarka Federaalka oo sheegaya in wada tashi lagala sameeyo dowladdaha xubnaha ka ah federalka”.

Puntland waxa ay sheegtay in ka maamul ahaan aysan u cuntameynin inay u hogaansanaato howlaha ay qaban doonaan Gudiyadaasi.

Sidoo kale, Puntland waxa ay sheegtay in ujeedka Gudiyadaasi ay yihiin in lagu sii carqaladeeyo Siyaasada dalka, waxa ayna carabaabeen in mowqifkooda uu yahay diidmada Gudiyada.

”Puntland waxay si weyn u taageersan tahay ilaalinta mabaadi’da Federaalnimada ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo xiriirka ka dhaxeeya dalalka xubnaha ka ah federaalka sida uu qeexayo Qodobka 50, qaybta (c) ee Dastuurka ku meel gaarka Federaalka” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhanka kale, Maamulka Puntland ayaa dhaqan iyo Caadaba u leh inay ka hor imaado wax waliba oo khuseeya go’aanada DF iyo dhismayaasha gudiyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com