XOG: General Saxardiid oo xil loo magacaabayo!

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Jubbland Axmed Madoobe, ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu damacsan yahay inuu xil u magacaabo Jeneraal Ismaaciil Saxardiid oo dhawaan dib ugu laabtay magalaada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Jeneraal Saxardiid waxaa uu kamid ahaa saraakiisha ciidan ee sida tooska ah Axmed Madoobe ula shaqeysay.

Xogtu waxa ay sheegeysaa in Saxardiid loo dhiibaayo xilka uu dhawaan ka geeriyooday Korneyl Mursal Geedi, Halka wararka qaar ee aan ka heleyno madaxtooyada ay sheegayaan in lala damacsanyahay Saxardiid in loo dhiibo Taliska Booliska Jubbaland.

Dib ugu soo laabashada Saxardiid ee Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka dambeeyay Madaxweyne Axmed Madoobe oo isagu saaxiib dhow la ah Saxardiid.

Si rasmi ah looma oga xilka loo magacaabi doono markii laga tago wararka sheegayo in booska Marxuumka uu buuxin doono.

Axmed Madoobe ayaa xilalka maamulka ku casuumaayo Saaxiibadiisu lasoo dhibtooday waxa uuna maamulka u muuqaal ekeysiinayaa mid isaga u gaar ah oo uu ka yeelaayo sida maskaxdiisa kusoo dhacdo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com