Windows Live Messenger oo la joojinayo, maxaa lagu badalayaa?

Warkan ayaa soo baxay 18 bilood ka dib markii Shirkadda Microsoft ay ku dhawaaqday in ay ku bixineyso $8.5 Bilyan barnaamijkeeda horumarinta softwareka isgaarsiinta.

Microsoft ayaa sheegtay in Windows Live Messenger (WLM) laga joojin doono isticmaalkiisa bisha March sanadka 2013 adduunka oo dhan, marka laga reebo wadanka China oo uu ka sii shaqeyn doono. Shirkadda ayaa baddalkaasi xoogga isugu geyn doonto barta loo yaqaano Skype.

Windows Live Messenger ayaa la howlgeliyey sanadkii 1999, xilligaasi oo loo yaqaanay MSN Messenger, ayadoo marar badan wax laga baddalay laguna kordhiyey is wicd muuqaal ah (Video Call) iyo sidoo kale in lagu ciyaaro Games.

Sanadkii 2009kii ayaa shirkadda Microsoft waxay sheegtay in dadka isticmaala Windows Live Messenger ay gaareen 330 Milyan oo adeegsadayaal nool ama waxa ay u yaqaanaan (Active Users).

Baaritaan ay sameysay shirkadda qaabilsan sahaminta iyo barista isticmaalka ee lagu magacaabo Comscore ayaa shaaca ka qaadday in Windows Live Messenger uu wali laba laba lab ka dad badan yahay xagga isticmaalka aaladda Skype bilowgii sanadkan. Windows Live Messenger waa aaladda labaad ee ku soo xigta Yahoo marka loo eego xagga email chatting ama wada hadalka tooska ah ee emailka laysu mariyo.

Laakiin warbixntaas ay soo saartay Comscore ayaa muujisay in dadka isticmaala ee Ameerikaanka ah ay hoos u dhacaan sanadba sanadka ka danbeeye tiro lagu qiyaasay 48%, liddigeedana tirade Ameerikaanka isticmaalaya Skypeka ay sii kordhayaan xilliba xilliga ka danbeeya.

“Adeegyada sare ee uu qabto Skype ayaa fursad u ah in lacag ka sameeyaa lagana kasbado dadka isticmaalaya, Micrrosoftina waxay ayaduna raadineysaa fursadahaas oo kale” sidaa waxaa yiri Brian Blau.

“Messengerku uma sameysna qaab ay shirkadaha iyo TVyada isticmaali karaan laakin Skype isagu waa uu yahay qaabkaas” ayuu sii raaciyey Brian Blau.

Waxuu xusay in shirkaddu, waa Microsoft e, ay bilowday in ay Skpye ku biiriso Softwarekeda cusub ee telifoonada ee Windows 8 ku shaqeeya.

Si loo fududeeyo guuritaankaasi, Microsoft waxey qorsheyneysaa iney keento qiddad loo wareejin karo contatctskii ama asxaabtii kugu jirtay Windows Liveka loogu wareejiyo Skypeka.

Qatarta ayaa ah in ay guuritaankani sababto ama dhiirigeliso dadkii ku xirnaa WLM in ay u wareegan aaladaha kale sida WhatsApp Messenger, Google Talk ama AIM.

Laakiin Microsoft waxaa qeyb ahaa xoojinaya xiriirkii sanadkii hore ay la wadaagtay shabakadda Facebook. Isticmaalka muuqaal ku hadalka ee Skype (Skype Video Calling) ayaa aad uga badan qoraal ku wada hadalka manta.

WD: Yusuf Shuqale Hassan

yhamari@gmail.com