Xaabada Muuse Biixi, xulka Siciid Deni iyo saameynta gobollada SSC (Faallo)

Reer Xamarku waxay ku maahmaahaan BERI SAMAAD WAA BADNAAYE NOLOL AA KA BADATAY, siyaasiyiinta Burco iyo Hargeysa mudo badan ayey is qarinayeen laakiin muraadkii ay doonayeen ayaa waqtigiisii ku dheeraaday.

XAABADA MUUSE

Sanad ka hor ayey ahayd markii Madaxweynaha Somaliland loo doortay Mudane Muuse Biixi Cabdi, markii uu Xukuumadiisii soo dhisay oo labaan iyo dhowr wasaaradood ka koobnayd waxaa degaamada Sool, Sanaag iyo Cayn ciyi looga siiyey 3 Wasiir oo caato ah oo la rifay, waana kuwo lagu xushay mudeecnimo, kuwaas oo iyaga iyo dhowr Xildhibaan oo kale lagu xoojiyo Cayda Faysal Cali Waraabe ee Soomaalida, wax taageero ah oo ay degaamadooda ku leeyihiina ma jirto.

Sida Faysal Cali Waraabe cadeeyey siyaasiinta SSC ee Hargeysa joogaa waa magan reerahooda la jooga, xaqna aan u lahayn inay siday doonaan rayigooda u cabiraan, qofkii waxaan la jeclaysan ku hadlana orod Qardho aad ayaa hortaala.

XULKA SICIID DENI

Sanad kadib waxaa Madaxweynaha Puntland loo doortay Siciid Cabdillaahi Deni, isagoo shalay Xukuumadiisii oo 18 Wasaaradood ah ku dhowaaqay, Reer Khaatumo waxay ku leeyihiin 5 Wasiir, 5 Wasiir kuxigeen, iyo 2 Wasiiru Dawle, kuwaas oo ah xubno xul ah oo taariikh halgan bulshada dhexdeeda ku leh.

Sida Madaxweyne Kuxigeen hore Cali Sabarey, Gudoomiye kuxigeen hore Yuusuf Shirtag, Ismaaciil Diiriye Gamadiid, waana hubaal inay hananayaan taageerada shacabka SSC, taasoo Madaxweynaha Puntland Deni u suurtagelin doonta in degaano badan oo Somaliland horey diiwaangelin iyo codbixin uga sameysay aanay dib dambe si nabadgelyo ah uga suurtoobi doonin iyo inaan ciidamada Somaliland nabad ku negaan doonin duleedka Garoowe.

Saami Qaybsiga Somaliland wuxuu cidkasta u cadeynayaa inaan Somaliland la wada lahayn, shacabka Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayna wuxuu u bayaamiyey xaqiiqada dhabta ee ku duugan gooni-isutaaga Somaliland iyo in beeli kula kacdo wixii ay ka dagaalantay. Sidoo waxaa ku khasaaray Siyaasiyiinta Burco iyo Hargeysa ee iyaga oo aan muraadkoodii gaadhin is muujiyey, ciyaartiina waa bilow oo weli ma dhowa.

Chief Caaqil
Khaalid M Muuse Dhiil
mwfreepress@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid