Xaaf: DF ha ogaato inaysan Xamar nabad ahaan doonin haddii la qaso Galmudug”

Garoowe (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa si kulul uga hadlay faragalin uu sheegay in dowlada Somalia ay ku heyso maamulkiisa.

Hogaamiye Xaaf oo khudbad ka jeedinayay shirkii maanta u furmay Golaha Iskashiga ayaa sheegay inay muhiim tahay in dowlada Somalia ay faraha kala baxdo arrimaha Galmudug.

Waxa uu sheegay in maamulka Galmudug uu yahay mid dhisan,isla markaana aysan jirin Galmudug kale, waxa uuna carab dhabay ineysan qasnaan  doonin Galmudug oo keliya.

“Haddii la qaso Galmudug ama la ololiyo howlaheeda oo nalaga daba shaqeeyo dowladu ha ogaato inaanu degnaan doonin magaalada Xamar”

Xaaf, waxa uu sheegay inuu ku talinayo in shirweyne loo qabto dowladna loo dhiso Galmudug,isaga oo dowladda Federaalka ku dhaliilay inay ku fashilantay Amniga dalka.

Waxa uu mar kale yiri “Dowlada naga dhaafto dhibta waxaan u xaqiijinayaa in hadii ay Galmuudg Gubato Xamar nabad ma ahaaneyso”

Sidoo kale, Xaaf ayaa tilmaamay in dowlada Somalia ay sabab u tahay qaska iyo dhibta ka dhex jira madaxda Galmudug, hase yeeshee waxa uu ku baaqay in nabadda loo ogolaado Galmudug.

Haddalka Xaaf, ayaa u muuqda mid hanjabaad ku ah xasiloonida magaalada Muqdisho, balse waxa uu noqonayaa mid fasiraado kala duwan laga bixinaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com