Xaaf iyo Shiikh Shaakir oo Gaalkacyo gaaray (Maxaa soo kordhay?) + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in si Wadajir ah halkaasi ay maanta u gaareen madaxweynaha Galmudug iyo madaxa xukuumadda Galmudug.

Labada masuul ayaa u gaaray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug inay la kulmaan wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo maalmihii ugu dambeysay la kulmayay madaxda dowlad goboleedyada.

Nicholas Heysom ayaa la kulmay madaxda Hirshabeelle, Koofur Galbeed, Jubbaland, Puntland iyo Somaliland, waxaana kaliya u harsan madaxda maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxa Xukuumadda ayaa Diyaarad ku tegay Gaalkacyo,iyaga oo halkaasi u tegay la kulanka Ergeyga QM oo wada xal u raadinta khilaafka Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada.

Dhawaan ayaa la filayaa in magaalada Gaalkacyo lagu qabto shir dib u heshiisiin ah oo loo qabanayo madaxda maamul goboleedyada.