Muxuu ka dhigan yahay xukunka lagu riday mas’uuliyiintii musuq maasuqa loo heystay?

Muqdisho (Caasimada Online) – La dagaalanka Musuq Maasuqa waa balanqaadyada ugu badan ee ay sameeyaan Musharixiinta marka ay doonayaan qabashada xilka hogaanka sare ee dalka, waana waxa ragaadiyay Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa dhowr jeeda kaalmaha hore ka gashay dalalka ugu Musuq maasuqa badan caalamka, waxaana niyad jab dareema marka warbixinadaa lasoo saaro shacabka Soomaaliyeed.

Xukuumadda Xasan Cali Kheyre, waxay horey u shaacisay inay la dagaalameyso Musuq maasuqa, waxaana loo xiray masuuliyiin dhowr ah oo ugu dambeyn xabsi sanado ah qaarkood lagu xukumay.

Arintaan ayaa ka dhigan digniin loo jeedinayo dadka doonaya inay musuq maasuqaan hantida dadweynaha, laakiin waxaa wali la aaminsan yahay inay jiraan shaqsiyaad dowlada ka tirsan oo Musuq maasuq sameeya.

Xafiisyo badan ayuu wali ka jiraa Musuq maasuqa haba loo kala badnaadee, balse talaabadan maxkamadda gobolka Banaadir ay ku xukuntay sagaal ruux oo eedeysanayaal ahaa ayaa noqoneysa mid bilow u noqon kartaa la dagaalanka Musuq maasuqa dalka hareeyay.

Dhibaatada wali Soomaaliya ka taagan oo Qabiilka uu ugu horeeya ayaa keeni karta in Musuq maasuqa uusan ka dhamaan Somalia, maadaama shaqsiyaadka arrimahaasi ku kaca ay qabiilka isku haleeyaan.

Hay’aha la xisaabtanka Musuqa oo aan awood buuxda laheyn ayaa sidoo kale keeni kara in guulo waaweyn aan laga gaarin musuq maasuqa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com