Aqalka SARE oo digniin ka soo saaray faro-gelin lagu sameeyo doorashada K/G

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddiga Joogtada ah ee Aqalka Sare ayaa digniin culus kasoo saaray Doorashooyinka ka dhici rabo Maamul Goboleedyada ka jiro Soomaaliya.

Guddiga joogtada ah ayaa ka digay in faragelin lagu sameeyo Doorashooyinka, gaar ahaan midda 17 Bishaan ka dhici doonto Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed.

Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare ayaa si cad u sheegay in shacabka Maamul Goboleedyada ay xaq u leeyihiin inay doortaan cidda ay rabaan iyadoo aan faragelin lagu sameyn.

Guddiga ayaa walwel ka muujiyey in faragelin lagu sameeyo Doorashada Koonfur Galbeed ka dhici doonto, wuxuuna Guddiga musharixiinta faray inay u hoggaansamaan Shuruucda Dastuurka Dalka iyo Midka Maamul Goboleedyada.

Shacabka Koonfur Galbeed ayuu guddiga ugu baaqay inay muujiyaan hufnaan Doorasho iyo in laga shaqeeyo midnimada iyo Xasiloonida deegaanadaas.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso qodobada kasoo baxay Guddiga joogtada ah ee Aqalka sare

Caasimada Online
Xafiiska-Muqdisho
Caasimada@live.com