Cadaado (Caasimadda Online) Madaxweyne Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa soo saaray wareegto uu Maamulka Galmudug ku geliyey xaalad deg deg ah.
Madaxweynaha ayaa sheegay inuu deegaanada Galmudug kusoo rogay xaalad deg deg muddo 3 bil ah oo ka bilaabaneyso October.
Madaxweyne Xaaf ayaa ciidamada Amaanka ku amray inay gutaan waajibaadkooda iyo inay la dagaalamaan cid kasta oo dhibaato ku ah amniga sida uu hadalka u dhigay.
Haddba halkaan hoose ka akhriso waraaqda kasoo baxday Madaxweyneha Galmudug:


