Xaafad Muqdisho ka mid ah oo si maalinle ah dad loogu dilo iyo sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Dad badan iyo ma’suuliyiinta qaranka qaarkood ayaan ku baraarugsaneyn in xaafad ku taallo magaalada Muqdisho si maalinle ah dad loogu dilo, oo xaaladdeeda ay faraha ka baxday.

Xaafadda Tarabuunka ilaa Haanta dheer ee degmooyinka Hodan iyo qayb kamid ah Deyniile, waxaa maalin walba lagu dilaa dad, sidoo kalane waxaa ka dhaca dagaal beeleed muddo dheer soo taagnaa.

Sabtidii oo kaliya waxaa lagu dilay 5 qof, waxaana lagu dhaawacay 7 kale. Dadka la dilay qaarkood waxaa lagala dagay gaadiid ay saarnaayeen waxaana loo beegsanaya aanooyin qabiil.

Sidoo kale axaddii shalay waxaa mar kale halkaas ka dhacay dagaal dhex-maray labada beel ee isku haye halkaas, kaasi oo ay ku dhinteen 5 qof.

Dorraad iyo maalintii ka sii horeysay waxaa sidoo kale Haanta dheer iyo Tarabuunka lagu dilay laba qof oo la isu aaray.

Beelaha ku dagaalamaya Tarabuunka iyo Haanta dheer oo ah hal beel oo dhawaan Guddoomiye iyo Golahiisa ku doortay magaalada Hobyo ee gobalka Mudug ayaa jirin ilaa hadda qof isku dayday in uu wax qabto.

Xaafadaha ay dhibaatadaan ka jirto waa adagtahay in ay tagaan Ciidamada Amniga, waxaana dhowr halkaas kala kulmeen dagaal kadib markii ay isku dayeen in ay kala dhax galaan maleeshiyada dagaalamaya.

Dad badan ayaa is weydiinaya ilaa goorma ayey dowladda Soomaaliya ka aamusnaan doontaa dhibaatada ka taagan xaafadaasi.