Arday reer Somaliland ah oo lagu weeraray Badhan iyo dhaawac la gaarsiiyey

Hargeysa (Caasimada Online) ―  Saddex Arday oo reer Somaliland ah ayaa lagu weeraray deegaanka Midi-gale ee bariga gobolka Badhan, sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirka Waxbarashada Somaliland, Axmed Maxamed Diiriye.

Wasiirka Waxbarashada Somaliland ayaa sheegay in Saddexdaasi Ardey lagu dhaawacay deegaanka Midi-gale, kadib markii ay dareenkooda qaranimo muujiyeen, isagoona xusay inay falkaasi geysteen dad aan reer Somaliland aheyn.

Axmed Diiriye ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dhaawacyada saddexda Ardey uu midkood aad u daran yahay, kuwaasi oo loo kala qaaday Isbitaalada Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo, si xaaladooda caafimaado loogu dabiibo.

Wasiirka ayaa si rasmi ah u shaacin cida weerarka ku soo qaaday Ardeydaasi iyo sababta weerarkooda ka dambeysay, isagoona ku gaabsaday inaysan aheyd dadka soo weeraray reer Somaliland.

“Waxa Maanta deegaanka Midi-gale oo ku yaalla bariga Gobolka Badhan ku yaalla lagu dhaawacay Saddex Arday oo aan waxba gaysan, kuwaasi oo dareenkooda muujinayey, waxaana dhaawacay Dad aan Somaliland ahayn” ayuu yiri Wasiirka waxbarashada Somaliland.

Wuxuuna intaasi kusii daray “Waxaanu amarnay Maamulka Gobolka Badhan iyo Hawl-wadeennada Wasaaradda Waxbarashada ee Gobolkaa in la soo qaado saddexda Arday oo midkood qabo dhaawac halis ah oo la geeyo Cisbitaalka ugu dhow, hadduu yahay Cisbitaalka Ceerigaabo ama Ka Burco ama ka Hargeysa, haddii dibed loo qaadayana aanu ku dedaallo”.