Dhaawacyadii loo qaaday dalka Turkiga oo mid ka mid ah uu geeriyootay

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee Aamino Cumaan Kheyre oo ka mid aheyd dhaawacyadii cuslaa ee loo qaaday dalka Turkiga ayaa geeriyootay, kadib markii laga dajiyey garoon diyaaradeed oo ciidanka cirka dalkaasi ku leeyhiin magaalada Ankara.

Marxuumada ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socdo lagu aaso Ankara, sida ay inoo xaqiijiyeen dad ku sugan magaaladaasi.

Bukaanada kale ee la geeyey Turkiga oo gaaraya illaa 15 ruux ayaa waxaa loo qeybiyay afarta isbitaal ee ugu waa weyn Ankara, halkaas oo lagu daaweyn doono.

Dhaawacyadaan oo xaaladooda aad u liidato ayaa waxaa gurmad deg deg ah u soo dirtay dowladda Turkiga oo qudheeda labo Injineero ahaa uga dhinteen weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay isgoyska Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Turkiga ayaa noqday dalkii ugu horreeyey ee ka soo jawaaba baaqa dowladda, waxaana sidoo kale la filayaa in dhaawacyada kale qaarkood loo qaado dalka Qatar.

Dhimashada weerarkii Ex-Control ayaa sii kordheysa, waxaana ay hadda sii caga cagayneysaa illaa 81 qof, sida uu xaqiijiyey guddiga gurmad Qaran ee dhowaan magacaabay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre.

Qaraxaan oo ismiidaamiin ahaa, islamarkaana dhacay maalin ka hor ayaa ka mid noqday kuwii ugu khasaaraha badnaa ee Caasimada ka dhaca, tan iyo 2011-kii.