Madasha xisbiyada Qaran oo shir muhiim ah ku yeelatay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaanka madasha xisbiyada Qaran ayaa xalay shir gaar ah ku yeeshay gudaha magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlay weerarkii xooganaa ee maalin ka hor ka dhacay isgoyska Ex-Control Afgooye.

Kulanka oo uu shir guddoomiyey, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah guddoomiyaha madashaasi ayaa waxaa intiisa badan diirada lagu saaray, sidii taageerayaasha xisbiyada dalka, gaar ahaan kuwa madasha ay door uga qaadan lahaayeen gurmadka haatan socda.

Sidoo kale madasha ayaa ku baaqday in la xoojiyo amniga Caasimada, waxna laga bedalo qorshaha hadda ay ku shaqeeyaan ciidamada Booliska Soomaaliyeed, is looga hortago weerarada khasaaraha geysta ee mararka qaar ka dhaca magaalada Muqdisho.

Madaxweynayaashii hore ee Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo hormuud u ah madasha xisbiyada Qaran ayaa dhowaan booqday isbitaallada magaalada Muqdisho ee la dhigay dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay weerarkii ka dhacay Ex-Control Afgooye.

Dhinaca kale kulankaan ayaa waxaa lagu soo qaaday arrimo ku aadan shirciga doorashooyinka Qaranka oo Sabtidii ay meel-mariyeen xildhibaanada golaha shacabka.

Madasha oo saluugsan qodobada qaar ee sharcigan oo hadda loo gudbiyey aqalka sare ayaa shaacisay inay muhiim tahay in la sameeyo aragti ku biiris ku aadan sharcigaasi.

Inta badan hoggaanka xisbiyada mucaaradka dalka ayaa ku eedeynaya madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka inay wadaan qorshe ay ku doonayaan inay ku sameystaan muddo kororsi hor leh, iyadoo dib loo dhigayo doorashooyinka soo socda Qaranka ee la filayo in la qabto 2020 illaa 2021.