Farmaajo oo dhalleeceyn kala kulmay dhaawacyadii ‘uu ugu tagay’ diyaaradda

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa madaxweyne Farmaajo ku dhaliilay qaabkii uu u wajahay dhaawacyada qaraxii Ex-Control iyo inuu ugu tagay diyaaraddii maanta u qaadday dalka Turkiga.

Xildhibaan Mahad Salaad oo qoraal soo dhigay bartiisa facebook ayaa yiri “CEEB LOOMA DHINTO! . Madaxweyne Farmaajo amnigoodii markii uu ilaalin waayay, Isbitaaladii la dhigayna amni ahaan uga cabsaday in uu ku soo booqdo ayuu diyaaradii dhaawacyadooda Turkiga loogu qaadayay inta uga daba tagay isku soo sawiray. Madaxweynaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed sugayaan waa midkaas!”

Dhinaca kale xildhibaan Fiqi ayaa isna sheegay in laba saacad dib loo dhigay in bukaanada loo qaado Turkiga sababo la xiriira wax uu ku sheegay “in madaxweynaha doonayey inuu isku sawiro.”

“Shaqaalaha caafimaafka ee Soomaalida iyo Walaalaha Turkida isugu jira waxaa wajiyadooda ka muuqda In ay dhibsanayaan bukaan dhaawiciisu daran yahay oo sawir In madaxweynuhu la galo 2 saacadood loo daahiyey!” ayuu yiri Fiqi.

Fiqi ayaa intaas ku dara “Madaxweynuhu ayadoon diyaaradi taagnayn waqti ka badan 24 saac ayuu heystay In uu dhaawaca qaraxii shaley isbitaalada ama goobtii lagu qarxiyey uu ugu tago balse wuxuu ka doorbidey In uusan xitaa diyaaradii ugu tagin waqtigii munaasabka ahaa oo saacado loo hakiyey bukaankaas in gaadiidka Ambulane-ga lagu dhex haayo!”

“Madaxweynaha waxaan xusuusinaynaa dhaawaca intiisa badnayn In ay isbitaalada MUQDISHO ku jiraan, Lagana yaabo In booqashadiisu ay waxyaalo ka dhiman ay u tarto, ayaga ha booqdo, waxna ha u taro inta naga daayo igu sawirta dhaawacyada walaalaha Turkidu ay u soo gurmadeen!”

Madaxweyne Farmaajo ayaa aad u adkeeyey ammaankiisa iyo kan Villa Somalia, tan iyo markii weerar lagu qaaday hotel SYL oo aad ugu dhow xarunta madaxtooyada, waxaana uu gaabiyey socodkiisa.

Wuxuu ka baaqday xuskii maalinta booliska ee lagu qabtay garoonka Injineer Yariisow, wuxuuna diiday inuu tahay wasaaradda qorsheynta, isaga oo door-biday in daahfurka qorshaha qaranka ee shanta sano lagu dhex-qabto Villa Somalia. Ugu dambeynna, shalay wuxuu dhaawacyada qaraxa ugu tagi waayey isbitalka, isagoo ka doorbiday inuu maanta ku booqdo garoonka Aadan Cadde, oo ka amni wanaagsan isbitalka.