Wasaaradda caafimaadka DF oo xog buuxda kasoo saartay qaraxii Control

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa warbixin ay soo saartay ku tiro-koobtay khasaaraha guud ee dhimasho iyo dhaawaca ee ka dhashay qaraxii shalay ka dhacay Ex-Control Afgooye.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in tirada guud ee dhimashada qaraxa ay tahay 79 qof, halka dhaawacana uu yahay 148 qof, oo 16 ka mid ah dhaawacyadooda laga saaray isbitaallada. Haddaba hoos ka aqriso warbixinta wasaaradda

Xog kooban: Dadkii ku waxyeeloobay musiibadii ka dhacday Ex-Kontorool, Afgooye, 28 December 2019.

  • Tirada guud ee dhaawaca Isbitaallada la geeyey: 148
  • Tirada la dhigay/jiifiyey Isbitaallada: 132
  • Tirada isbitaallada laga saaray: 16
  • Tirada guud ee dhimatay: 79
  • Wasaaradda Caafimaadka waxay dhaawacyadii u kala saartay kuwo daran iyo kuwo roon, waxaana kuwa daran la geeyey Isbitaalka Digfer/Erdugan oo tiradoodu ahayd: 51
  • Waxaa maanta dalka Turkiga loo qaaday intii ugu darnayd oo dhan: 15 qof
  • Waxaa hadda socota dib u qiimeynta intii hartay si berri dalka Qadar loogu qaado
  • Waxaa kaloo Wasaaraddu ku howlantahay raadinta magacyada dadkii ku dhintay qaraxii shalay
  • Raadinta dadka la la’yahay oo Wasaaraddu la kaashanayso Wasaaradda Gargaarka
  • Waxay Dawladda Turkiga noo keentay Takhaatiir iyo Daawooyin
  • Waxaa Wasaaraddu ka codsatay Dowladda Qadar Daawooyin Gurmad caafimaad
  • Gudiga Gurmadka Wasaaradda Caafimaadka wuxuu la falgalay Gudiga Gurmad Qaran oo saldhigoodu yahay Wasaaraada Gargaarka

Wixii soo kordha waa idin la socodsiin doonaa.