Senator Cabdi Xaashi oo shalay muujiyey inuu ka duwan yahay madaxda DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee baarlamaaka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shalay qaatay go’aan ka badalan midka Golaha Shacabka iyo masuuliyiinta kale ee dowladda, kadib qaraxii shalay ka dhacay Ex-Control Afgooye.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ayaa baajiyay kulankii Golaha, waxa uuna Senatoradii soo xaadiray ku yiri “Ma awoodno inaa maanta kulano waxaa naga baxay dad badan, qaar kalane waxay yaalaan Isbitaalada, ee aan ka qayb qaadano gurmadka, cidii aan awoodina ha u duceyso, kulankayna waxaa ku balami doonaa maalin kale.”

Golaha Aqalka Sare ayaa shalay ku balansanaa in Aqrinta 1-aad ay marsiiyaan Hindise Sharciyeedka Sharciga Saxaafadda, balse waxaa loo baajiyay musiibadii ka dhacday magaalada Muqdisho.

Inkastoo Golaha Aqalka Sare la fasaxay hadane waxaa jirtay in kulankooda ay si caadi ah u wateen Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xafiisyada kale ee dowladda, taas oo ay dad badan dhaliileen.

Baraha bulshada ayaa lagu arkayey dadweyne badan oo dhaliilaya xildhibaanada golaha shacabka, kuwaas oo cod u qaaday sharciga doorashooyinka, xilli dad badan ay magaalada ku dhamaadeen qaarna ku dhaawacmeen.

Dadka qaar ayaa qabayey inay habooneyd in xildhibaanada golaha shacabka ay joojiyaan kulankooda, kana qeyb qaataan gurmadka iyo wax u qabashada dhibanayaasha qaraxa, balse taas ma dhicin.

Waxaa sidoo kale dhaliil loo jeediyey madaxweyne Farmaajo, oo lagu cambaareeyey inuusan booqan dhaawacyada, balse ka door biday inuu muuqaal tacsi ah kasoo dhex duubo Villa Somalia.