Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xarumihii u badna ee caafimaad oo ku yaalla deegaanada maamulka Galmudug ayaa u xirmaya dhaqaale la’aan baahsan oo soo wajahday.
Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Galmudug, Cabdiraxmaan Maxamed Makaawi ayaa xaqiijiyay in in ka badan 60 xarumood ay qarka u saaran yihiin in la xiro, kadib markii ay go’een lacagihii ay howlaha kuw wadi jireen.
Makaawi ayaa xaaladdan ka deyriyay, maadaama ay kusoo beegantay xilli ay xaaladdu adag tahay oo abaaro darran ay jiraan. “Xarumahaan xirmaya waxay dabooli jireen dad badan, halka 25 kamid ah loogu adeegayay carruurta,” ayuu yiri.
Wasiirka Gargaarka Galmudug ayaa dalbaday in la garab istaago sii socoshada mashaariicda caafimaad ee muhiimka u ah bulshada, si looga hortago halista laga digayo.
“Haddii roob yimaado dhibaato ayaa jira, haddii la waayo dhibaato ayaa jirta, haddii siyaasadda iyo amniga lagu heshiin waayo abaarta ayaa imaanaysa. Galmudug 500,000 oo qof ayaa saameen ku yeelatay abaarta hadda jirta,” ayuu yiri Wasiir Makaawi.
Sidoo kale waxa uu sheegay in 25 xarumood oo loogu tala-galay carruurta ay ka istaageen mashaariicdii ay ku shaqeynayeen, halka la filayo in saddex bilood gudahood ay 35 xarumood oo kale iyaguna mashaariicdu ka istaagi doonaan.
Tan ayaa ka dhigan in xarumahan albaabada la isugu dhufanayo, taas oo uga sii dareysa xaaladda taagan.
Dhanka kale, hay’ado maamulayay mashaariic kala duwan ayaa joojiyay shaqadii ay hayeen, kadib markii ay wargelin ka heleen dalal iyo ururro caalami ah oo horey u taageeri jiray kuwaas oo sheegay in ay hakiyeen kaalmooyinkii ay bixin jireen, taasoo keentay in la xiro xarumo badan oo adeegyo muhiim ah bixinayay.

