Degmada Dhoobley oo ay ku dhinteen 17 qof iyo 600 oo la dhigay isbitalka + Sababta

Dhoobley (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in xaalad caafimaad oo aad u daran ay ka taagan tahay degmada Dhoobley ee gobolkaasi, ka gadaal markii uu ka dilaacay cudurka Kalooraha ama Shuban Biyoodka.

Maamulka Dhoobley oo la hadlay warbaahinta ayaa qaylo dhaan xoogan ka muujiyay xaaladda caafimaad ee ka taagan degmadaasi, gaar ahaan cudurka Shuban Biyoodka.

Mukhtaar Maxamed Sahal oo ah guddoomiye ku xigeenka degmada ayaa shaaca ka qaaday in cudurka ay u geeriyoodeen illaa 17 qof oo isugu jiro carruur iyo dad waa weyn.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in isbitaalka guud ee magaalada Dhoobley la dhigay illaa 600 qof oo saacadihii ugu dambeeyay uu soo ritay cudurka Kalooraha.

“Sida aad ogtihiin waxaa dilaacay cudurka Kalooraha kaas oo soo ritay dad 600 oo qof gaaraya, dhimashadana illaa iyo hadda gaareyso 17 qof,” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenku.

Sahal ayaa xusay in ay fariin u direen ATMIS, isla-markaana ay jawaab ka heleen, kadib markii ay si deg-deg ah ula soo gaareen daawo iyo qalab nadaafadeed

“Waxaa innoo yimid ATMIS oo ah ciidankaka howlgala Soomaaliya, gaar ahaan Jubbaland, kuwaas oo saldhigooda uu yahay degmada DHoobley, ayaga oo ka damqaday baahida iyo dhibaatada meesha taalla, saakana deg deg noogu keenay gurmadkii ugu horreeyay oo isugu jiro daawo, qalab nadaafadeed iyo raashin,” ayuu mar kale hadalkiisa sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu baaq u diray dowlad Jubbaland iyo dowladda Dhexe, isaga oo ka codsaday in aysan indhaha ka laaban xaaladda adag ee haatan ka jirta Dhoobley.