Xaaladda SUDAN oo kasii dareysa – Maxaa cusub?

Khartoum (Caasimada Online) – Bisha April ee sanadkan ayaa waxa ay ku beegan tahay sanad guuradii koowaad ee kasoo wareegtay dagaalka ka socda dalka Sudan, kaasi oo ka dhashay loolan dhanka awoodda ah oo u dhaxeeya labo Jeneraal oo iska soo horjeeda.

Hay’adaha gargaarka ayaa sheegay in dagaalku uu cawaaqib xun ku yeelanayo dad ku dhow 49 milyan oo qof – in ka badan kala bar dadkaasina ay u baahanyihiin gargaar bini’aadannimo oo naf badbaadin ah.

Tan iyo markii uu dagaalka ka billowday Sudan, 15-kii bishii April ee sanadkii 2023-kii, tobanaan kun oo qof ayaa la dilay laguna dhaawacay, malaayiinna si qasab ah ayaa guryahooda looga saaray.

18 milyan oo qof oo ay hayso gaajo daran, ayaa 5 milyan oo ka mid waxa ay qarka u saarayihiin macluul sida ay sheegtay hey’adda cuntada Aduunka ee WFP

Dr. Richard Brennan, oo ah agaasimaha xaaladda degdegga ah ee xafiiska gobolka ee Ururka Caafimaadka Adduunka ee Mediterranean-ka, ayaa sheegay in caalamku uusan ku baraarugsaneyn baaxadda musiibada bani aadnimo ee ka jirta Sudan.

Brennan, oo dhawaan un qabtay xilkan safarkiisii ugu horeyayna isbuucii hore ku tagay Sudan, ayaa xusay in uu dhowr jeer booqday Suudaan 25-kii sano ee la soo dhaafay, laakiin markan uu soo arkay xaalad aad u ba,an, iyo burbur baaxad leh.