PUNTIN oo guul weyn ka gaaray doorashada RUUSHKA

Moscow (Caasimada Online) – Ruushka ayaa ku dhawaaqay in Madaxweyne Vladimir Putin uu helay 88% codadkii la dhiibtay tirinta codadkii ugu horreeyay ee doorashadii madaxtinimo ee Axaddii dalkaasi ka dhacday.

Doorashadan ayaa loo arkay dhoolatus aan codbixiyaasha fursad u siinin inay doortaan cid si dhab ah ula baratameysay Puttin.

Putin ayaa dalkaasi gacan adag ku hayay, isla markaana caburiyay mucaaradka iyo kuwa naqdiya siyaasadiisa, muddo 24 sanadood ah.

Doorashada saddexda maalmood ah ee billaabatay Jimcihii ayaa kordhisay xukunka Putin uguna dartay muddo lix sanadood ah oo kale.

Waxaa doorashadan ay timid iyadoo aysan jirin cid Ruushka ku dhiiran karta inay dhaleeceyso Puttin ama ay ka hadasho dagaalka uu ku hayo Ukraine.

Ninkii ugu weynaa ee mucaaradka ku ahaa Putin, Alexey Navalny, ayaa ku dhintay xabsi dalkaasi ku yaala bishii la soo dhaafay, dadka dhaleeceeyan.

VOA