Xaaladda wasiirada oo adkaatay iyo Farmaajo oo bilaabay xeelad cusub oo uu wax ku xalinayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa bilaabay inuu kulamo gaar gaar ah isugu yeero odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed kadib markii ay adkaatay xaaladda soo magacaabista golaha Wasiirada.

Dhawr jeer ayey dib u dhacday magacaabista wasiirada sababo lagu sheegay is qabqabsi ka dhex jiro qaar ka tirsan Beelaha iyo siyaasiyiin loolan adag ku jiro sidii ay u heli lahaayeen xilalka wasiirada Kheyre.

Madaxweynaha Soomaaliya  ayaa  kulamadaan uu la yeelano odayaasha kala jeedo sidii uu ugu qancin lahaa taageeridda xukuumadda cusub ee dhawaan lagu dhawaaqi rabo, sidoo kalana wuxuu madaxwyenaha odayaasha kala tashanayaa awood qeybsiga beelaha Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa odayaasha kala hadlay sidii ay beel kasta dhexdeeda isugu qanci lahaayeen, isla markaasna ay ku qancaan awood qeybsiga dhexdooda ah.

Odayaasha uu la kulmay madaxweynaha ayaa siiyey talo ah inuusan waxba ka badalin qaabkii ay markii hore beelaha u qeybsan jireyn golaha wasiirada, midaas oo laga yaabo haddii uu wax ka taabo inuu caqabad kala kulmo.

Kulamadaan ayaa u muuqdo kuwa uu madaxweynaha ku doonayo inuu kusoo afjaro xaaladda siyaasadeed ka dhex taagan beelaha isla markaasna wuxuu ka shaqeenayaa sidii dhaqso loogu dhawaaqi lahaa golaha wasiirada.

Ku dhawaaqista golaha wasiirada ayaa dhawr jeer dib u dhacday, waxayna dhibaatada ugu weyn ka taagan tahay qaabkii ay beelaha u qeybsan lahaayeen golaha wasiirada, sidoo kalana waxaa la isku heystaa sidii loo qeybsan lahaa wasiirada ugu muhiimsan ee loo yaqaan darajada (A) iyo (B).

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com