Xaalka doorashada P/Land: Xeradu waa wada ulo oo mid la qaato ma leh!

Saacadda iyo Waqtiga dib ugu celi SHAN SANO kahor! Puntland waxaa meel walba ka daarneyd ama laga dhageysan jiray heestii ahayd “Xildhibaanow tusmeeyo, taabba gali is bedelkoo, uturoo dadkaagoo, Talo Yey ku seegine, soo tuur codkaagoo Cabdiweli ku taageer!”

Puntland doorashadii tan ka horreeysay bulshadeedu waxa ay lahaayeen DOOKH, qaar ayaa doonayey in Cabdiraxmaan Faroole oo xilligaas ahaa Madaxweyne in dib loo doorto, halka inta badan ay rabeen, u heeseen, u ilmeeyeen, u damaashadayeen Cabdiweli Cali Gaas (Madaxeynaha hadda), oo markaas ka soo laabtay Muqdisho oo looga soo adkaaday doorashadii Madaxtinimo ee 2012.

Hase ahaatee, shan sano kaddib, Puntland yey u heeseysaa, yaa ugu cad cad, yaa mudan? Dhammaan su’aalahaas haddii aad weysiiso qof reer Puntland ah kama heleysid jawaab, kaliya inta uu madaxa ruxo ayuu kuugu jawaabayaa ‘La isma dhaamo!”

Puntland sanadkan waxaa iska soo sharraxay siyaasiyiin kor u dhaafaya 30 oo inta badan ay mushtamaca ku cusub yihiin. Laakiin, kuwa la yaqaan ee aan tirada badaneyd kuma jiro mid bulshadu xiiso u qabto ama ku tuhmayaan hoggaamin siyaasadeed iyo hiigsi sare.

KUWA CAANKA AH

1-Cabdiweli Cali Gaas

2-Siciid Deni

3-Cabdi Siciid Juxa

4-Faarax Cali Shire

5-Maxamed Siciid Xirsi (Morgan)

6-Daahir Mire Jibriil

7-Awaare

8-Saadaq Enow

9-Asad Diyaano

10-Cali Xaaji Warsame

Tiradaas kore waa kuwa ay bulshada si weyn u taqaan, hayeshee, ma jiro mid mid dhaama walow labada siyaasi ee Daahir Mire Jibriil oo ka mid ahaa aas aaseyaashii jabhaddii SSDF iyo Saadaq Enow (Aqoonhan) la oran karo xogaa waxa ay heli karaan rayyi caam wanaagsan.

Kuwa aan la aqoon iyagu xisaab ma leh oo waxaa ka mid ah Jabiye (Maalqabeen), Jibriil iyo kuwo kale.

Iyaga kama odorosi karo siyaasadooda maadama aan hore loo soo tijaabin, waana sababta keentay in aysan ilaa iyo hadda saameyn muuqata ugu lahayn ol’olaha socda.

JUXA, Cali Xaaji iyo Deni maxaa ka qaldan?

JUXA – Waa siyaasi xilal kala duwan heer Federal iyo mid maamul gobolleed soo qabtay, hase ahaatee, waxa uu ku ceeboobay Wasaaradda Arrimaha gudaha ee dowladda Federal-ka ah marka laga yimaado in uu hawleheeda ku fashilmay hadana waxa uu dhex bartanka ka galay dagaal QABIIL kaddib markii ay is qabteen Professer Yaxye oo xog-haye joogta ah u ahaa.

Reer Puntland wax ay halkaas ku barteen dabeecaddiisa iyo sida uu u maareyn karo haddii khilaaf siyaasadeed haddii uu yimaaddo.

CALI XAAJI – Siyaasigan inta badan  wey adag tahay in la fahmo siyaasaddiisa balse waxaan shaki ku jirrin in uu ka mid yahay urur diimeedyada (Ictisaam).

Shacabka Puntland in aysan diyaar u ahayn in uu hoggaamiyo shaqsi ku lug leh urur diimeedyada dalka ka jira ee ragaadiyey siyaasadda dalka.

SICIID DENI – Waa siyaasiga loogu neceb yahay Puntland laba sababood awgeed; Ka mid ahaanshaha koox ganacsato ah oo dhiigmiirato looga yaqaan Puntland, 2, in uu yahay musharaxa ugu weyn ee ay Daam-jadiid taageerayaan.

Deni ma aha siyaasi Puntland saameyn ku leh,hase ahaatee, waxa uu wasiir ka soo noqday xukumaddii Cabdiweli Shiekh Axmed ee dowladdii Xassan Shikeh. Deni waxa uu can ku yahay in uu qeyb ka ahaa Wasiiraddii dhaawacay gadaalna ka tooktay Rai’sul Wasarihii dalka iyada oo loo ballan qaaday in isaga lagu bedeli doono.

Sidoo kale waxa uu ka mid yahay urur diimeedyada daka ka jira ee aysan shacabka Puntland dooneyn in uu hoggaamiyo.

Marka aad isku soo wada duubtay dhammaan qodobadaas, waxaa kuu soo baxaysa in xaaladda doorasho iyo ol’ole ee Puntland shacabka quus ka joogaan, badankoodna musharixiinta u arkaan “Xerada waa wada ul oo mid la qaato ma leh!”.

W/Q: Mahad Xuseen Guuleed
Gaalkacyo, Soomaalida

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid