Xaaska Baasto oo Muqdisho la keenay

Muqdisho(Caasimada Online) – Iyadoo maalintii Jimcaha gelinkii dambe  qarax ismiidamin ah uu ka dhacay magaalada Kismaayo eegobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa maanta magaalada Muqdisho lasoo gaarsiiyay dadkii dhaawacyada daran uu kasoo gaaray qaraxaasi.

Ku dhawaad afar ruux oo ahaa dadkii ugu darnaa ee dhaawacyada ay kasoo gaareen qaraxaasi ayaa waxaa maanta lasoo keenay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Abuukar  Macalin oo kamid ah ehelada dadka maanta la keenay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in dadkaasi ay ahaayeen kuwo qaba dhaawacyo daran oo wax looga qaban waayay magaalada Kismaayo.

Wuxuu sheegay in Kismaayo ay kaga soo tageen seddex ruux oo qabay dhaawacyo kale oo culus, sabab la xiriirta dadkaasi eheladooda uu awoodi waayay dhaqaalaha ku baxaya diyaarada.

“Waxaan keenay afar ruux oo dhaawac ah oo aad u daran waxaana ku jirta xaaska Iftin Xasan, halkaan ayaan keenay aad ayay u darnaayeen sidaas ayaan u keenay, waxaan la kulanay agaasimaha isbitaalka wuxuuna sheegay inuu wax noo qabanayo”.sidaas ayuu yiri ABuukar Macalin.

Iftiin Xasan Baasto ayaa kamid ah masuuliyiinta maamulka KMG ee Jubba kaasi oo ka dhisan deegaanada gobolada Jubbooyinka, waxaana la ogeyn sababta gurigiisa ismiidaamin looga geystay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com