Xog: Xasan Sh oo gudoomiye cusub u magacaabaya Sh/Dhexe si uu BEESHA ugu badan gobolka u qanciyo (Kuma?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, ayaa lagu warramayaa inuu is-beddel weyn ku sameyn doono maamulka gobolka Sh/dhexe, uuna xilka ka qaado Cabdi Jiinow.

Tallaabada Xasan Sheekh, ayaa ka dambeysay kadib markii cabasho xooggan ay ka timid dadka gobolka kuwaasi, oo boob iyo dilal ku eedeeyey guddoomiye Jiinow.

Warar aan ka helnay Villa Somalia, ayaa sheegaya in Xasan Sheekh uu doonayo inuu xilkaas iminka u magacaabo siyaasi lagu magacaabo Axmed Mayre Makaraan ‘’Axmed Faal’’.

Ninkan ayaa horey u ahaa guddoomiye degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, oo ah mid ka mid ah degmooyinka ugu nabad-galyada badan ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Tallaabada Xasan Sheekh, ayaa sidoo kale ah mid lagu qancinayo beesha deegaan ahaan ugu badan gobolka ee Wacbuudhan Abgaal.
Axmed Mayre Makaraan ‘’Axmed Faal’’, waxa uu kasoo jeeda beesha Maxamed Muuse ee Wacbuudhan Abgaal.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com