KISMAAYO oo lagu dhaawacay Xaaska sarkaal Axmed Madoobe maamulkiisa..

Kismaayo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaas lagu dhaawacay haweeney u dhaxda mid ka mid ah saraakiisha sar sare ee maamulka Axmed Madoobe

Sida ay goobjoogayaal u sheegeen Shabakadda Caasimada Online, haweeneyda ayaa la sheegay in ay ku dhaawacantay bam gacmeed lagu tuuray guri ay dagantahay oo ku yaalla xaafadda Farjano ee magaalada Kismaayo.

Si dhab ah looma oga dhaawaceeda inta uu la egyahay, waxaana la geeyay Isbitaalka guud ee Kismaayo.

Dhinaca kale, magaalada Kismaayo waxaa ka billowday kulamo looga hadlaayo dhammeestirka maamulka kumeel gaarka ee Jubba, waxaa magaalada shaley dib ugu soo laabtay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Magaalada waxaa ku soo qulqulaya ergooyin, siyaasiyiin iyo dad doonaya in ay xubno ka noqdaan maamulka Jubba.

Ammanka magaalada ayaa loo adkeeyay gaar ahaan xarunta Jaamacadda oo uu ka dhacayo shirka lagu dhammeestiraayo maamulka kumeel gaarka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

Caasimada@live.com