XABEEB oo sabab yaab-leh uga horyimid doorashada madaxweynaha Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhaqtar Cabdiraxmaan Cali Cawaale (Xabeeb) oo ah maamulaha hay’adda Xabeeb Mental Health Foundation oo wareysi gaar ah siiyey telefishinka Shabelle ayaa ka hadlay arrimo ku aadan jadwalka doorashooyinka dalka.

Dr Xabeeb ayaa cabasho ka muujiyey jadwalka soo baxay ee ay soo saareen golaha wada-tashiga qaran, siiba doorashada madaxweynaha oo loo asteeyey 10-ka October.

Dhaqtarka ayaa tilmaamay in maalintaas ay ku beegan tahay maalinta caalamiga ah ee  Dhimirka, isla-markaana ah ay tahay in dadka laga wacyi-geliyo xanuunka Dhimirka.

Waxa kale oo uu sheegay in munaasabada uu qabto 10-ka October lagu casuumo madax kala duwan, sidaas daraadeedna, haddii doorasha la qabanayo ay saameyneyso martida.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray inay wal-wal ka qabaan xuska maalintan, maadaama lagu soo aadiyey qabashada doorashada madaxweynaha oo saameyn ku yeelaneysa tabinta munaasabadda uu ugu dabaal-dagayo xuska maalinta Dhimirka.

“Wal-walka na heestaa waxa uu yahay caalamka maanta waa Social Media, haddii ay noqon laheyd TV, haddii ay noqon laheyd Facebook, haddii ay noqon Youtube ma fahantay, laakiin maalinta doorashada hadda nin anaga naga miisaan weyn, inkastoo afar sano uuu ku egyahay ayaa la dooranayaa Involved-baa ku nahay, anaa Involed ku ah maalintaas ma xus-baa qabtaa, mise waxaan daawadaa qaabka ay codeynta u socoto,” ayuu wareysigan xasaasiga ah ku yiri Dhaqtar Cadiraxmaan Cali Cawaale.

Sidoo kale waxa uu baaq u diray madaxda dowladda federaalka iyo hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada, isaga oo ka dalbaday in doorashada madaxweynaha ee haatan la shaaciyey in la qabanayo 10-ka bisha soo socota October, laga wareejiyo maalintaasi.

“Tabarta aan leenahay maanta waa (Abil) codsi aan u jeedineyno dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo go’aanka wada gaaray, waxaan ka codsaneynaa walaalayaalow maalintaas waa maalin 18 sano aan la saan qaadeynay caalamka walaalayaalow hanaga reebina ee doorashadiina ka dhigta maalin kale.” ayuu raaciyey.

Arrintan ayaa hadal heyn ka dhex-dhalisay baraha bulshada ay ku xiriirto, waxaana la is-weydiinayaa, sida ay suuragal ku tahay in doorashada dib loogu dhigo xuska maalinta caalmiga ah ee Dhimirka ee 10-ka October, maadaama marxalad adag lasoo maray.