Xad-gudubyada galmo iyo xeerarka xirfadaysan

Hordhac

Marka xeer ama sharci la sammaynayo, waxaa inta badan dhaliya ama kalifa baahi loo qabo in dhib jira xal loo helo. Waxaa beryahan dambe aad innoogu soo badanayey fal-dambiyeedyo intooda badan kufsi iyo dil wada socda ah, oo lagula kacayey gabdho iyo wiilal da´yar ah, waa anshax xumo ku soo korortay dhaqanka soomaaliyeed. Falalkaas foosha xun iyo xad-gudubyadaas waxaa ka dhashay kacdoon iyo carro lagaga soo horjeedo. Waxay taasi sababtay in xukuumadu Soomaaliya soo gudbiso xeer si gaar ah uga hadlaya fal-dambiyeedyadaas oo muran badan dhaliyey. Haddaba waxaan qormadan gaabban ku eegi doonaa ugu horrayn tiro-koobyo dhawr waddan ah oo ay ku jiraan kuwa lagu tuhunsan tuhunsan yahay inay hawsha dabada ka riixayaan. Waxaan sidoo kale ku eegi doonaa xeerka iyo saamayntiisa iyo ujeeddoyinka ka dambeeya.

Tiro-koob

Waxaan isku daynay inaan baaritaan ku sammeeyno dhawr waddan oo reer galbeed ah iyo Hindiya. Si aan u ogaano xad-gudubyada kufsiga ee ka dhaca waddamadaas iyo tiro ahaan inta ay le,eg yihiin. Waddamada aan idinla wadaagi doono waxay kala yihiin Maraykanka, Ingiriiska (England iyo Wales), Norway iyo Hindiya.

Sida ay qortay RAINN oo loo soo gaabiyey (Rape, Abuse & Incest National Network) 73dii sekenba waxaa Maraykanka ka dhaca xag-gudub galmo oo lagula kaco dad da´doodu tahay 12 sano iyo ka weyn. Waxay kale oo ay sheegeen in sanadkii qiyaastii 433,648 xad-gudub ka dhacaan Maraykanka. (rainn.org).

Dhanka kale Ingiriiska sida ay caddaysey RCEW oo loo soo gaabiyey (Rape Crises England Wales) Sanadkii 2013dii waxaa xad-gudub kufsi ama isku day kufsi lagu sammeeyey 85000 dumar ah iyo 12000 rag ah, kuwaas oo da´doodu u dhexeyso 16-59. (rapecrisis.org.uk).

Norway waxaa 2019kii booliiska soo gaartay 2000 oo dacwo, oo kufsi iyo xad-gudub galmo la xiriira sidaas waxaa caddeeyey. (politiet.no).

Waddanka Hindiya oo laga yaabo inuu saammayn taban ku leeyahay dhaqanka Soomaaliya, waayo waxaa si aad ah looga daawadaa filimaanta Hindiga waddanka oo dhan. Filimadaas oo aan wax faaf-reeb ah marin. Haddaba tira-koobku muxuu sheegaya? Sida (asiatimes.com) ku qoran 15kii daqiiqo ee kasta in waxaa dhaca kufsi ama xad-gudub galmo waddanka Hindiya.

Tira-koobyadaani waxay muujinayaan in kufsigu yahay dhibaato adduunka oo dhan ka jirta, una baahan in lagula dagaalamo wax kasta oo surtagal ah.

Soomaalidu waa dad diin iyo dhaqan leh. Marka xeer loo sammaynayana waxay u baahan yihiin in xeerku waafaqsan yahay diinta xaniifka ah iyo dhaqanka suubban. In la soo min-guuriyo xeer dal kale looga dhaqmo waxay abuuri kartaa is-maandhaaf xumeeya wixii la rabay in la xaliyo. Waxayna cuuryaami kartaa shuruucdii looga hortegi lahaa dhibaatooyinka

Kufisga oo ah fal dambiyeed qof bini aadan ah laga galo kuwa ugu xun wuxuu muddan yahay in laga soo saaro xeer ciqaabeed adag, kaas oo ku saleysan dhaqankeyna suuban iyo diinta islaamka.

Gabdhaha la kufsado waxaan is leeyahay way tira badan yihiin Soomaaliya. Waayo iyaga oo ka cabsanaya in ay la kulmaan takoor iyo ceeb hor leh ayaa laga yaabaa in qaar badani qariyaan falkaas foosha xun ee loo geystay. Sheekooyin waxaa jira Soomaalidu wariyaan (in kasta oo aan wax caddayn ah loo hayn). Sheekooyinkaas waxaa ka mid ah in gabdho badan oo Ingiriiska lagu kufsaday ama fara xumeeyey oo Soomaali ah CCTV qabteen, iyagiina wax dacwad ah soo gudbin. Markii daba gal lagu sammeeyeyna ay gabdhihii sheegeen inay sharaftooda iyo mustaqbalkooda dartiis arrintaas foosha xun u qariyeen.

Gabagabadii

Waxaa habboon in dadku kala ogaadaan in siyaasiyiinta u ololaynaya iyo kuwa ka horjeeda midna danta gabdhaha la faraxumeeyey ka shaqaynayn, ee mid walba u xusul duubayo sidii uu ku heli lahaa amaan (credit) siyaasadeed. Waayo waa mid dad kale dabada ka riixayaan iyo mid doorasho iyo cod raadin ay ka tahay.

Ilaahay ayaa mahad oo dhan iska leh.

W/Q: Abdul Ahmed (Macalim iyo falanqeeye siyaasadeed), iyo Abdullahi Ibrahim (Macalim, falaqeeye siyaasadeed, ahana Xildhibaan ka dirsan Gollaha degaanka ee magaalada Bergen, Norway)

Xigasho

Https://asiatimes.com/2020/01/a-rape-in-india-every-15-minutes-government-data/. (u.å.).
Https://rapecrisis.org.uk/get-informed/about-sexual-violence/statistics-sexual-violence/. (u.å.).
https://www.politiet.no/aktuelt-tall-og-fakta/tall-og-fakta/voldtekt-og-seksuelle-overgrep—Statistikk/. (u.å.).
Https://www.rainn.org. (u.å.).

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid