Xadgudubyadii ka dhacay magaalada BOOSAASO oo 5 qodob laga soo saaray

Boosaaso (Caasimada Online) – Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha ee dowlad goboleedka Puntland ayaa war cusub kasoo saaray dagaalladii ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, wuxuuna xafiisku baahiyey bayaan ka kooban illaa shan qodob.

Ugu horreyn Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa shaaciyey inay dhaceen xadgudubyo ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha, kuwaas oo uu diiwaan-geliyey xafiisku.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay tahay in magdhow u dhigma la siiyo dadka ay dhibaatada kasoo gaartay dagaalladii dhacay ee u dhexeeyey Puntland iyo PSF.

Qoraalka ayaa lagu xusay in Puntland iyo cid kasta oo ay quseyso laga rabo inay isku howsho sidii magaalada looga uruurin lahaa haraadiga hubka, si aysan u geysan waxyeelo kale.

Ugu dambeyn Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa ugu baaqay dhinacyada haata ku howl-an dhexe-dhexaadinta inay sameeyaan xaqiijin, sidoo kalena ay dadaaladooda ku daraan sidii ay cadaalad u heli lahaayeen dadka dhibanayaasha ah.

“Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland wuxuu si dhow ula soconayaa cadaalad helidda iyo magdhow siinta dadka wax ku noqday dirirta ka dhacday Boosaaso,” ayaa lagu soo gabagabeeyey warsaxaafadeedka.

Dagaalladii ka dhacay dhowaan magaalada ganacsiga ee Boosaaso ayaa sababay dhimasho, dhaawac, burbur iyo barakac ay sameeyeen dadka deegaanka.

Si kastaba, xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana weli socda wada-hadallo lagu soo afjaro xiisadda taagan oo ka dhalatay xil ka qaadistii lagu sameeyey agaasimihii PSF.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii