Fiqi: Shir ay dhowr Farmaajo fadhiyaan maxaa laga sugi karaa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Amniga Maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlay Shirka maanta u furmay Madaxda Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa sheegay inay shirka fadhiyaan dhowr Farmaajo.

Fiqi ayaa sida la fahamsan yahay u jeeda madaxda dowlad goboleedyada Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed oo ayagu si toos ah ugu xiran Villa Somalia, xulafana la ah Farmaajo.

Waxa uu su’aal geliyay waxa ka soo bixi kara Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran oo ay fadhiyaan xulafada Farmaajo, kuwaasi oo sida la rumeysan yahay si adag uga hor imanaya qorshayaasha uu Rooble horgeynayo Golaha.

Sidoo kale waxa uu si gaar ah u weeraray madaxweynaha Galmudug, oo uu sheegay in uu ka dhuuntay in uu cadeeyo mowqifkiisa siyaasadeed, uuna shirka uga qeyb-galay cadaadis lagu saaray.

“Si gaar ah, Dadka reer Galmudug waxay indhaha ku hayaan habdhaqanka iyo qaabka uu shirka ugu matali doono Qoorqoor oo magacooda shirka ku fadhiya, ma Galmudug ayuu ku matali doonaa mise sidii lagu yaqaanay dano iyo dad kale!?,” ayuu yiri.

“Waxaa la wada og-yahay inuu kari waayay inuu yiraahdo “shirka waa ka qeybgalayaa”, dad badan ayaa isweydiinaya sida uu go’aan madax banaan u qaadan karo shirka dhexdiisa?!.”

Wasiirkii hore ee Amniga Maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa muddooyinkii dambe si weyn u mucaaradsanaa hogaaminta Qoor-Qoor, wuxuuna qeyb ka yahay dhaq-dhaqaaq lagu dhisayo Gole Badbaado oo Galmudug ah.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii