Xafiiska guddoomiyaha maxkamadda sare ee K/G oo awood lagula wareegay

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Gobolka Baay ayaa sheegaya in Taliyaha Booliska Gobolkaasi uu awood kula wareegay xafiiska Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Maamulka Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo.

Taliyaha Booliska Gobolka Baay Col. Mahad C/raxmaan Aadan, ayaa la sheegay in xiligii uu la wareegaayay xafiiska Gudoomiyaha Maxkamadda Sare uu watay ciidamo farabadan oo ku hubeysnaa hubka kala duwan.

Taliyaha ayaa goortii uu gaaray xarunta Maxkamada dhammaan howlwadeenada ku amray inay faarujiyaan xarunta isla markaana ay dib ugu laabtaan guryahooda ilaa iyo amar danbe.

Taliyaha ayaa sidoo kale Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Maamulka Koonfur Galbeed Sheekh Fanax ku amray inuusan soo gali karin xarunta Maxkamada ilaa iyo amar danbe, waxa uuna ka gaabsaday inuu u sheego sababta ka danbeysay inuu la wareego Xafiiskiisa xili aan lasoo wargalin.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Koonfur Galbeed Sheekh Fanax oo u waramaayay warbaahinta ayaa dhankiisa ka sheegay inuu xiran yahay Xafiiskiisa, balse uusan la socon sababta ka danbeysay amarka looga mamnuucay Xafiiska.

Waxa uu tilmaamay in lagu xadgudbay isla markaana uu doonaayo in jawaab cad laga bixiyo falka lagula kacay, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka ayaa sheegay in Taliyaha Booliska Gobolka Baay Col. Mahad C/raxmaan uu faragelin toos ah ku hayo shaqada Xafiiska Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Koonfur Galbeed, waxaana faragalintaasi ka dhashay xiisad.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay falka uu ku kacay Taliyaha Booliska Gobolka Baay Col. Mahad C/raxmaan, waxaase loo maleynayaa in amarkaasi uu lahaa Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com