Xafiiska R/W Kheyre oo si dadban isugu xaqiijiyey arrin lagu tuhmayey Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dhowaan soo shaac-baxay Website lagu sameeyey magaca Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, kaasoo keenay shaki weyn oo ku aadan inuu Ra’iisul wasaaraha isku soo sharixi doono doorashada soo socoto ee sanadka 2020 ama 2021.

Websitekaan Hawada soo galay oo ay weli ku socoto dhismo ayaa waxaa diiwaan geliyey mid ka mid ah Gacan yarayaasha Ra’iisul wasaare Kheyre sida ay xogta sheegeyso, kaasoo lagu magacaabo Yaxye Cali, taariikhda markay aheyd 07-06-2018.

Si kastaba, shalay ayaa qeybta warfaafinta xafiiska Kheyre waxay sheegeen in website-kan uusan shaqo ku lahayn ra’iisul wasaaraha, balse ay sameysteen dad iska dhigaya Kheyre oo doonaya inay ka been sheegeen, ayaga oo xilli aan la gaarin doorasho, olole gelinaya ra’iisul wasaaraha.

Xafiiska Kheyre waxa uu sidoo kale sheegay inay baaritaan ku sameynayaan arrintan si ay usoo ogaadaan cidda ka dambeysay. Hase yeeshee, warka kasoo baxay xafiiska Kheyre ayaan sameyn wax aan ka ahayn inay ayaga xaqiijiyaan in tuhunka la qabay uu yahay mid run ah, waxayna sidan sameeyeen ayaga oo aan ogeyn ama aan dareensaneyn.

Tusaale, webka waxaa markii hore diiwaankiisa ka muuqda Yaxye Cali, hase yeeshee markii warbaahinta ka war-heshay arrintan, waxaa durba la sameeyey in la qariyo magaco, oo laga dhigo mid private ah (Gaar), oo aysan arki karin cid aan ahayn qofka diiwaan gashtay.

Sidaas darteed, waxaa is-weydiin mudan, haddii webka uu sameeyey qof adeegsanaya magaca Kheyre, oo doonaya inuu xasarad siyaasadeed abuuro, maxaa ku kalifaya inuu magaca qariyo ileen ujeedkiisa ayaaba ah in dadku arkaan magaca website-ka.

Xaqiiqda ah in magaca qofka ku saxiixan webka durba la qariyey ayaa muujineysa in cidda qarisay ay tahay kaliya cid aan dooneyn in la ogaado qofka xaqiiq ahaan webka u diiwaan gashan yahay.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa muujineysa in sababta xafiiska Kheyre u qariyey magaca webkan ay tahay inaan la ogaan hamigiisa madaxweynenimo, taasina aysan xasarad ka abuurin isaga iyo Villa Somalia.

Halkan hoose ka arag sawir aan ka qadnay webka oo uu ku diiwaan gashan yahay Yaxye Cali iyo sawirka markii dib laga qariyey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com