Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf (Max’ed Siqi) ayaa ka jawaabay eedeyn ka timid masúul ka tirsan Xafiiska R/wasaaraha, laguna magacaabo Cali Cabdi Wardheere (Cali yare) oo ku dhaliilay Guddoomiyaha & Duqa Gobolka Banaadir Max’ed Nuur (Tarzan) in maamulka gobolku ku soo uruuray degmooyinka X/weyne & Xamar-jajab, oo aanu tegi karin degmooyin ay ka mid tahay Huriwaa.
Maxamed Yuusuf oo saxaafadda la soo xiriiray, kana fal-celinayey eedaasi Tarzan ayaa sheegay in aaney waxba ka jirin in Guddoomiyuhu uusan tegin Huriwaa, isaga xusay in marar badan Guddoomiyuhu kormeer ku tegay Huriwaa & degmooyinka ku teedsan.
“Qofka eedeyntiisa sidaa u dhigaya 2 ayeey mid tahay, ama inuu war-moog yahay ama inuusan kala aqoon degmooyinka Gobolka, Guddoomiyuhu wuxuu tegay marar badan degmada Huriwaa, wuxuuna muddo daganaa hoteel Gur-guurte” ayuu yiri Maxéd Yuusuf, wuxuuna intaa ku daray in ay nasiib darro tahay in shaqsiyaad sheeganaya in ay dowladda ka tirsan yihiin haddana masúuliyiintii dowladda ee Qaranka u shaqeynayey in ay hawada ka xagxagtaan.
“Dad shaqaale dowladdeed in ay yihiin sheeganaya, haddana in ay masúuliyiintii dowladda eedeeyaan, waxey wax u dhibeysaa hanaanka dowladeed, Tarzan waxa uu Qaranka u qabtay waxey ku taalaa diiwaanka taariikhda, taariikhduna ma ahan mid uu ka been sheegi karo wiil yar oo doonaya in Guddoomiyaha Gobolka uu (face book) ku shaxaado” ayuu yiri Maxéd Yuusuf, isaga oo intaa ku daray in Cali yare lagu yaqaan in maalin uu koox ammaano, kooxna eedeeyo.
“Cali yare waa nin shaqo ka dhigtay marna inuu masúul aflagaadeeyo masúulna ammaano halkaas ayey ka gashay bahasha” ayuu yiri Maxéd Yuusuf.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]