Xaflad lagu soo dhaweeyay Jibriil Ibraahim Cabdulle (Sawirro)

Istanbul (Caasimada Online) – Waxaa habeenkii Xalay ahaa ka dhacday xaflad aay si heer sare ah u soo abaabuleen ururada Somali Voice iyo Ururka Ardayda wax ka barata Dalka Turkiga Lagu qabtay magaalada Istanbul.

Xafladda oo aay dhallinyarada ku soo dhaweeyeen kuna Marti qaadeen Jibril Ibrahim Cabdulle oo dhawaan Lagu wado in uu isu soo tago jagada Madaxweynaha JFS.

Jibril oo ah Siyaasi ruug caddaa ah kuna caan baxay Arrimaha horumarinta bulshada iyo dib u heshiisiinta Ayaa uga Mahad celiyay dhallinyarada soo dhaweyntii iyo Marti qaladka aay fidiyeen.
Shirkaan oo ahaa mid Lagu laga guray kaalinta aay dhallinyarada ku leeyihiin horumarinta Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed Ayaa Mudane Jibril Waxaa uu dhallinyarada ku booriyay in aanay Marti ka noqonin dadaalada loogu jiro dib u soo nooleynta Dalka, Isagoo ku celcliyay in aay yihiin mustaqbalkii waddanka ee maanta.

Gebogabadii xafladda Ayaa Waxaa la is dhaafsaday su’aalo Isagoo Jibril uu si aay karti iyo kalsooni ku dheehan tahay uga jawaabay Dhammaan su’aalihii la weydiiyay.

 

Kulanka Waxaa uu ku Soo aaday iyada oo madaxweynaha dalka turkiga uu booqday Magaalada Mogadishu, tani oo muujinayso hanka ay Soomaaliya Ka qabto Mudane JABRIL

Jibril Abdulle Ayaa saakay safar ugu kicitimay magaalada Ankara. Jibril ayaa lagu wadaa inta uu joogo dalka Turkiga in uu la kulmi doono mas’uuliyiinta dalka Turkiga.

 

 

image image image image image image image image image image image image image image image image image image image image image

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
Caasimada@live.com